عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Banning [At-Tahrim] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah Banning [At-Tahrim] Ayah 12 Location Madanah Number 66

3. Markuu Nabigu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa [3], markayse u sheegaty mid kale [4] warkaa, Allena u soo bandhigay (Nabiga), wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay arrinkani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay (Allaah) Wax walba Ogsoonaha, Xog Ogaalka ah.

4. Haddaad labadiinnu Alle u noqotaan (oo tawbad keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah.

5. Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah, mu’minooyin, daacad, soo noqosho iyo tawbad keen badan, caabidooyin, soomanooyin [5], leh garoobbo iyo gabdhaba bikrooyin ah.

12. Iyo sidoo kale Maryam, gabadhii Cimraan, taasoo xafidday farjigeeda; waxaana ka afuufnay (jeebka cambuurkeeda uu ka afuufay malag Jabriil), waxayna rumeysay Kelmedihii Rabbigeed iyo Kutubtiisa, kana mid aheyd kuwa Alle adeeca.